Ban Ki moon oo maanta Muqdisho ku soo fool leh

by admin | Wednesday, Oct 29, 2014

Muqdisho : HN :–Xog-hayaha guud ee QM ayaa lagu waddaa in uu maanta booqasho taariikhi oo noqoneysa tii labaad uu maanta ku tago magaaalada Muqdisho.

Xog-hayaha ayaa siddoo kale lagu waddaa in booqdo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana booqashadiisa wadamada geeska afrika ay qeyb tahay qorshe lagu hormarinayo dalalka deriska oo lacago malaayiin doollar ah uu Midowga Yurub ugu yaboohay wadamada geeska afrika.

Sidoo kale Ban Ki-moon ayaa booqan doona xeryaha qaxootiga dalka Kenya, halkaasoo kumanaan kun Soomaali ay ku dhaqan yihiin,ban-ki-moon iyadoo xerada qaxootiga Dhadhaab ay tahay tan ugu weyn aduunka.

Ban Ki moon QM ayaa si rasmi ah u furi doona dhismaha cusub ee Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo uu ku howl geli doono Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Kay.

Sidoo kale Madaxda dowladda Soomaaliya ayuu si kala gaar gaar ah ula kulmi doonaa, isagoo kala hadli doona arrimaha siyaasada, amniga iyo horumaradii u dambeeyay ee ay dowladda ka gaartay howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ban Ki-moon ayaa horay u soo booqday Soomaaliya dhamaadkii sanadkii 2012, xilligaasoo si rasmi ah u furay Xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey oo tobanaan sano kadib loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho, kadib markii si KMG ah ay ugu sugneyd magaalada Nairobi.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!