Ban Ki Moon oo dabayaaqada bishan soo gaaraya magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Oct 26, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa lagu wadda in dhamaadka bisha Muqdisho soo gaaraan wafdi sare oo ka socda QM waxaa la sheegay in wafdigiisa uu hogaamin doono xog-hayaha guud ee QM Ban Ki Moon.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,C/rixmaan Ducaale Bayle oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in 29-ka bishaan aan ku jirno Muqdisho laga sugayo inay soo gaaran wafdi uu hoggaaminayo,Ban Ki Moon.

“29-ka bishaan aan ku jirno waxaa Muqdisho imaanaya wafdi sare oo u horkacayo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon,”ayuu yiri wasiir Beyle isagoo warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wafdigaan waxaa lugu wadaa inuu Muqdisho ku soo dhaweeynayo madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud oo baajiyayban-ki-moon shir uu uga qayb-gali lahaa magaalada Dubai,sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Imaan shiyaha wafdiga Ban Ki Moon waxaa ay muujinaysa hormarka dhanka siyaasadda iyo ammaanka ah ee ka jira magaalada Muqdisho,madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweynaya wafdiga waxuuna baajiyay si uu ula shiro wafdiga shir uu uga qayb-gali lahaa Dubai,”ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Mr. Ban ma aha markii ugu horreeysay oo u booqanayo Muqdisho,December 9, sannadkii 2011 ayaa ku yimid booqasho qaadatay maalin.

Qaramada Midoobay ayaa taageero badan siisa Soomaaliya,waxaana xoghayaha guud uu sheegay inay dadaal ku bixin doonan soo laabashada waayihii wanagsana ee Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!