Ban Ki Moon oo magacaabay ku-xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya

by admin | Saturday, Dec 6, 2014

New York : HN :– Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa u magacaabay Mr Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimababwe inuu noqdo Kuxigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Mr Raisedon Zenenga ayaa horay uga soo shaqeeyay howl galka Qaramada Midoobey ee Koofurta Sudan waxaana uu bedelayaa haweeneyda lagu magacaabo Fatiha Serour oo u dhalatay dalka Algeria.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in Mr Ban uu arkay howl karnimadiisa, sidaasRaisedon darteed uu Mr Zenenga u magacaabay kuxigeenka Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya

Nicholas Kay oo ah Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa xafiiskiisa waxaa uu yahay Garoonka diyaaradaha, gaar ahaan Xarunta sida aadka ah loo ilaaliyo ee Xalane.

Ku-xigeenka cusub ee wakiilka UN-ka ayaa ka soo shaqeeyay xarunta QM ee New York mudo 10 sano ah, wuxuuna sidoo kale ka qeyb qaatay howlgalo nabad ilaalineed oo ay Qaramada Midoobey kasameesay Africa.

Hiiraan Net.
___

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!