Ban Ki Moon”xukuumada cusub ee Soomaaliya waan in ay ka dhax muuqdaan haweenka

by admin | Saturday, Jan 3, 2015

New York : HN :– Ban Ki Moon xog-hayaha guud ee QM ayaa ugu baaqay ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya in xukuumada uu soo dhisayo kaalin mug leh uu ka siiyo haweenka.

Xog-hayaha ayaa sheegay in ra’iisal wasaaaraha cusub Cumar Cabdirashiid ay ka rajeynayaan in uu xukuumada uu soo dhisayo ay qeyb ka noqdaan Haweenka, isla markaana ay horay u socoto Xukuumada cusub.

Afhayeen u hadlay Ban Ki-moon ayaa sheegay in loogu baaqayo madaxda ugu sareyso dalka inay si wadajir ah isula shaqeeyaan, ayna la yimaadaan hab macquul ah oo siyaasadeed, si hor-yaala dowladda loo qabto

Sidoo kale Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dalka inay ka shaqeeyaan sidii gobolada dalka looga hergelinban-ki-moon lahaa nidaamka federaalka iyo sidoo dib u eegis loogu sameyn lahaa dastuurka dalka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in guulihii ugu dambeeyay ee dhanka amaanka laga gaaray ay horseedayaan dib usoo celinta sharciga iyo kala dambeynta.

Sidoo kale Ban Ki-moon ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub ay ku taageeri doonaan dhanka horumarinta nabad galyada, horumarka iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.

Ra’iisul Wasaare cumar C/rashiid ayaa dhowaan la filayaa inuu soo dhiso Gole Wasiiro ah, waxaana soo baxaya baaqyo loo jeedinayo Ra’iisul Wasaaraha oo ah in haweenka ay xubno muhiim ah ku yeeshaan Golaha Xukuumada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!