Ban Ki Mooon oo saaray warbixin ku aadan maalinta aas-aaska QM

by admin | Friday, Oct 24, 2014

New York : HN :–Xog-hayaha guud ee QM Mr Ban Ki Koon ayaa soo saaray warbixin u aadan aas-aaska maalinta QM oo ku beegan 24 bisha Ocotoobar maanta oo kale, , isagoo ku baaqay in wax laga qabato dhibaatooyin ka jira caalamka, kuwaasoo ay ka mid yihiin; saboolnimada, cudurrada, argagixisada, takoorka iyo isbedelka cimilada.

Dhihbaatooyinkan ayuu sheegay inay keeneen dhimashada iyo dhaawaca dad badan. Sidoo kale, qoraal uu soo saaray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayuu ku sheegay in malaayiin dad ah ay weli haystaan kooxo uu ku tilmaamay dhiig-miirato khasab ugu shaqeynta, kuwaasoo uu si adag u cambaareeyay.

“Kuwa mudan in la cambaareeyo waxaa ka mid ah; ka-ganacsiga dadka, adoonsiga xagga galmada ama xaaladaha aan la isku aamini karin ee ka jira warshadaha, beeraha ama fagarayaasha iyo goobaha macaadinta laga qodo. Dhaqaalaha adduunku weli waa garoon ciyaar oo aan sinneyn,” ayuu ku yiri Ban Ki-Moon qoraalka uu soo saaray.

Asaaskii Qaramada Midobay wuxuu ahaa ballan-qaad adag oo si rasmi ah loogu sameeyay dadyowga adduunka ku nool, si loosoo afjaro eerarrada noocaas ah ee  lagu hayo karaamada bani’aadamka iyo in loo horseedo mustaqbal wanaagsan.

“Waxaa jiray dib-u-dhacyo xanuun badan, waxaana harsan shaqo badan si loo xaqiijiyo aragtida ballan-qaadkii Qaramada Midoobay. Laakiin waxaa dhiirri-gelin inooga baahan guulihii aan gaarnay,” ayuu yiri Ki-Moon.  

Himilooyinka horumarinta kunleyda ah ee Qaramada Midoobay ayaa dhiirri-geliyay ololihii ugu guusha badnaa ee waligeed loo qaadayban-ki-moon dabar-goynta saboolnimada. heshiisyada Qaramada Midoobay ee wax ka qabashada sinaan la’aanta, jir-dilka iyo midab kala-sooca. iyadoo ay jiraan heshiisyo kale oo deegaanka lagu difaacayo.

“Nabad ilaaliyeyaasha Qaramada Midoobay ayaa kala dhexgalay xoogagga colaadda ka dhexeysa, dhex-dhexaadiyeyaasheenna waxay xalliyeen khilaafaadyo jiray. Shaqaalaheenna gargaarkuna waxay dadka gaarsiiyeen gargaar noloshooda lagu badbaadinayo,” ayuu xoghayaha guud ku yiri qoraalkiisa.

Ugu dambeyn,  Ban Ki-Moon ayaa sheegay in waqti xasaasiga ah la marayo loogana baahan yahay Qaramada Midoobay inay sii xoojiso ballanqaadkeedii hore ee ahaa awood-siinta dadka la liido iyo kuwa dhibaatada u nugul.

Munaasabadda Maalinta Qaramada Midoobay, waxaan ugu baaqayaa dowladaha caalamka iyo shakhsiyaadkaba inay ka shaqeeyaan danta guud iyo wanaagga guud ee caalamka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!