Banaanbax lagu taageerayo reysul wasaare Cabdiweli oo ka dhacay Boosaaso

by Yahye | Monday, Oct 27, 2014

Boosaaso; HN;- Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbax lagu taageeraayo isku shaandheyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku sameeyay xubnaha Golaha Wasiirada Qaarkood.

Magaalada gudaheeda ayaa maanta waxaa isugu soo baxay dad badan oo qaybaha kala duwan ee Bulshada isugu jiray, kuwaasi oo muujinaayay taageerada Ra’iisul Wasaaraha ay u hayaan.

Sidoo kale Dibadbaxayaasha ayaa muujiyay inay ka soo horjeedaan qaadacaadii Madaxweynaha Soomaaliya uu qaadacay isku shaandheynta Golaha Xukuumadda uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha.

Magaalada Boosaaso waa magaaladii ugu horeysay ee cadeysa mowqifkooda ku aadan qilaafka ka aloolsan madaxda ugu sareysa dalka, iyagoona taageero buuxda siiyay raísul wasaare Cabdi weli.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ka dhex-tagan khilaaf aad u xoogan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!