Dibadbax lagu tageerayay ciidammada Jabuuti oo ka dhacay magaalada Beledweyne [Sawirro]

by Yahye | Saturday, Oct 25, 2014

Beledweyne : HN :– Dibadbax ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka qeyb- galay boqolaal dadweyne ah oo ku dhaqan magaalada Beledweyne, mas’uuliyiin iyo xubno kale, waxaana u jeedkiisu ahaa mid ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin rabshado dhawaan ka dhacay gobolkaasi oo sababtay in la gubo calanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

6Ka-qeyb galayaasha banaanbaxa oo socod ku soo maray qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada ayaa intii ka hadashay waxa ay sheegeen inay cudur daar ka bixinayaan wixii dhacay, isla markaana ay si aad ah uga xunyihiin falkii lagu gubay calanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

IMG_0434Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo isaguna goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay maxkamad soo taagi doonaan dadkii ka dambeeyay in la gubo calanka dowladda Jabuuti, waxaana uu intaa ku daray in ka maamul ahaan ay baadi goobayaan dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Guddoomiyaha ayaa xusay inay jiraan shaqsiyaad ka shaqeynaya inay iska horkeenaan ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrca ee AMISOM, gaar ahaan ciidamada Hiil Walaal ee Jabuuti iyo shacabka reer Hiiraan, isagoo intaa raaciyay inay gacan bir ah ku qaban doonaan dadka rabshado doonka ah.

IMG_059154Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!