Banaanbax looga soo horjeedo maamulka Jubba oo ka dhacay Garbahaarey

by admin | Thursday, Apr 23, 2015

Garbahaaray ; HN; – Banaanbax looga soo horjeeda Maamulka KMG ee Jubba, ayaa shalay ka dhacay Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, iyadoo shacab iyo masuuliyiinta Maamulka Degmadaasi ay ka qaybgaleen banaanbaxa.

Ujeedada Banaanbaxa ayaa banaabaxayaashu waxay uga soo horjeedeen qaabka soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka KMG ee Jubba oo ay sheegeen dadkii banaanbaxa dhigaayay in qaab loo dhan yahay aanan loo soo xulin.

Mid ka mid ah dadkii banaanbaxa ka qayb galay ayaa sheegay inaysan marnaba raali ka aheyn qaabka loo soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubba, gaar ahaan kuwa ka yimid Gobolka Gedo oo aan lagala tashan dadkii mudnaanta lahaa.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta Gobolka Gedo oo iyagana banaanbaxa ka hadlay ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan diidmada ay ka muujinayaan qaabka soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi Jubba.

Tan iyo markii la shaaciyay Xildhibaanada Maamulka Jubba waxaa soo baxaayay dhaliilo kala duwan oo loo jeedinaayay hanaanka loo maray soo xulida Xildhibaanada Maamulka Jubba, iyadoo maamulkaasi uu dhagaha ka fureestay ka jawaabida cabashooyinka la xiriira qaabka soo xulida Xildhibaanada.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!