Bankiga hormarinta Africa oo dhaqaale ugu deeqay qaxootiga Soomaaliya

by admin | Sunday, Oct 25, 2015

Brussels : HN :–Bankiga Horumarinta Afrika ee Afrika Development Bank ayaa sheegay in 30-milyan oo dollar ugu deeqay in lagu caawiyo qaxootiga Soomaaliya, taasoo ka mid aheyd balan-qaadkii shirkii Brussles ee looga hadlayay arrimaha qaxootiga.

Dr C/raxmaan Beylle Ducaalle oo horay u soo noqday wasiirkii arrimaha dibada Soomaaliya, haddana ah Madaxa Mashaariicda Dibadda ee Bankiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in lacagahn loogu tala galay sidii loogu caawin lahaa Qaxootiga Soomaaliya.

“Bankiga Horumarinta Afrika waxaa uu Soomaaliya ugu deeqay 30 milyan oo dollar oo aan dooneyno wixii aan qaban karno aan qabano, gaar ahaan sidii qaxootiga loo caawin lahaa” ayuu yiri Dr Beyle.

beileSidoo kale waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta Bankiga Horumarinta Afrika ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonaan sidii Baanka qeyb uga qaadan lahaa dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliya.

Qaxooti aad u tiro badan oo Soomaali ah ayaa ku nool wadamo badan oo ka mid ah caalamka, waxaana tirada ugu badan oo qaxootiga Soomaalida ay ku nool yihiin dalalka Kenya, Itoobiya, Yemen iyo Jabuuti.

Ugu danbeyntii lacagaha lagu ballan-qaaday shirka Brussels ayaa ah mid loogu tala galay sidii qaxootiga Soomaalida ee iskood uga soo tagaya dalka Kenya looga soo daabulo, isla markaana dib u dejin loogu sameeyo gudaha dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!