Barakac xoog leh oo ka soconaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo

by admin | Monday, Jul 20, 2015

Gedo : HN :– Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya, ayaa sheegaya in barakac xoog leh uu ka soconayo degmada Baardheere oo siweyn ay ugu dhawaadeen ciidammada huwanta ah.Baardheere_Gobolka_Gedo_Somalia

Ilaa iyo hadda waxaa la leeyahay saacadihihii ugu danbeeyay waxaa degmada ka barakacay qoysas ka badan 10, 000 kuwaa oo gaaraya deegaannada kale ee gobolku ka kooban yahay.

Ciidammada isbaheysanaya ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa la leeyahay higa ugu waxaa ay kaabiga ku hayaan magaalada Baardheere oo ah saldhiga ugu weyn ee Al-shabaab.

Dadka kuwa aan awoodin in ay barakacaan oo ay daruuftu u saamixi weyday ayaa baqdin xoog leh ka qaba in korkooda lagu dagaallamo, madaama xoogagga Al-shabaab dhinacooda waddaan dhaq-dhaqaaq u muuqda mid ay doonayaa in ay ku difaacaan magaalada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!