BARLAMAAN KU SHEEG FADHIID AH.‏ WQ: Xassan Carab

by admin | Thursday, Dec 15, 2011

Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo Nabadgelyo Suubane Rasuulkeena(Muxamed CSW)Korkhiisa,ayaan darro,ceeb iyo gef aan meelna loogu soo gaban ku sheegida ama ku magacaabida kuwan(Barlamaan)kuwan oo ah Barlamaanka Somaaliyeed,erayga xildhibaan ayaa ku fadhiya micno weyn marka laga eego dhanka luqada(Xildhinaan-Wakiil)qeyb bulshada ka mid ah ama degaan dalka ka mid ah metela oo kalsoonidooda wata kana shaqeeya danahood iyo danaha guud ee qarankaba.

Xildhibaanadda Barlamaanka Somaaliyeed(Barlamaan ku sheega)oo tiradoodu dhan tahay 550-xubnood kuna saleeysan habka ama hanaanka saami qeybsiga xaaraanta ah(4.5)sed-bursiga iyo cadaalad darada ah kana soo hor-jeeda guud ahaanba hab xaq-soorida Diinta Islaamka iyo nidaamka kasta oo hab caqliyadeed ku dhisan balse qiil looga dhigay(xalka ama xaalka waqtigan)ayaa ku caan ah wax qabad la’aan,muran iyo khilaaf dano gaar ahaaneed ku saleeysan iyo habka codeeynta dhaqaalo raadiska ku xiran(Hoo oo ii codeey ama hoo oo ka codeey)Barlamaan xilkiisii gabay,Xildhibaano
magaca ah ama gole aan oran karo(fadhiidka)ama gole la oran karaayo wuxuu qeyb weyn ka yahay dhibaatadda iyo caqabadda dalka hooyo ka jira,curyaaminta iyo sii dheereenta mushaakilda taagan,markaas iyadoo ayaan darada Somaalida heystaa ama ina heystaa badan yihiin hadii Xildhibaano noocaas yihiin ama 90%yihiin wax qabad iyo danta guud ka shaqeyn miyaa lagu filaayaa-maya oo maya.

Hadaba wax lala yaabo ma aha hab dhaqameedka guran caqliga ka baxan oo xildhibaanadu ku kacaan oo ah gacan ka hadalka iyo af-lagaadada dhexdooda waana astaan kale oo cadeeyn u ah fal xumadooda iyo meel kaga dhaca magaca eey wataan,ma aha markii ugu horeeysay gacan ka hadal iyo ficil dhiig ku daato ka dhaco barlamaanka Somaaliyeed mana aha wax aniga iga yaabiyeey ama la filan waa igu noqday anigoo weliba si wanaagsan u garanaaya sababta ka dameeysay khilaafka xiligan taagan iyo xaaladda jaha wareer oo eey xildhibaanadu ku jiraan iyo guud ahaanba howl galba ku dhacay golahaas(fadhiidka ah)oo aan horeba ugu magac daray- (Golaha Mahiiga iyo Kooxdda Laaluush ku nool)waayo-sida la wada ogyahay ama marka dib loo eego heshiiskii xaaraanta ah,heshiiskii sida weyn loogu dhaawacay maqaamka magaca somaliyeed heshiiskii Kampalla ayaa guud ahaanba awooda barlamaan ka xayuubiyeey xildhibaanada sawirka kana dhigay mesh iska joogayaal iyagoo runtii awalba iska joogayaal ahaa(ama waa la muuqdaa ma Madasha lama tago)mudadii wuu jiray ama dhisnaa barlamaanku maxeey wax faa’iido qaran ah oo eey soo kordhiyeen hab yaraateet ha sheegiin ama jiro oo ma jiro,laakiin waxyaabo badan oo dhibkooda leh ayeey sharciyeen ama ansaxiyeen tusaalle ahaan:-

-Aqbilaadda Heshiiskii Xaaraanta ahaa ee Kampalla.
-Ogolaanshii Soo gelidii Ciidmadda Itoobiyaanka.
-Raali ka noqoshadda boodka hantidda oo Xukuumado dhoowr ahi ku kaceen.
-Raali ka noqoshadda(hab Ogaansho)soo gelidda xadgudubka ah ee Ciidmadda Kenya Gobolada
Konfurta iyo kuwo Itoobiya Gobolada Dhexe.
-La Xisaabtan la’aanta Xukuumadaha.
-Awood Siin iyo ka Raali noqoshadda hab dhaqameedka Caqli-xume-Mahiiga.
-Ka Aamusida ama daawashadda dhibaatooyinka badan oo Dalka iyo Dadkaba heysta.
-Ka Gaabinta ama ka seexasadda gudashada xilkooda iyo howlo badan oo laga sugaayeey ineey
dhameeystiraan iyo arrimo kale oo aan la soo koobi kareyn.

Gunaanadka xilka ka qaadid gudoomiye iyo mid kale magacaabid waa iska riwaayad carureed mana jiraa wax is bedel ah oo wuu keenaayo maadaama goluhuba yahay fadhiid iyo xildhibaano sawir ah waxaan oran karaabo waa xeelad kale oo xoogaa shilimo ah lagu raadsanaayo maadaama shirkii been beenta ahaa(Shirkii Mahiiga)soo dhowaaday wajigiisii labaad,iyadoo la wada ogyahay in aan waxba ka soo bixin kii hore balse caqli iyo dadnimo xume Mahiiga iyo raxanta ka daba boodaa ka dhiganaayaan marshuuc xoogaa shilimo ah ku helaan maadaama magac somaaliyeed yahay mashruuc NGO, waxaan u soo jeediin lahaa ururadda bulshadda ka jira caasimadda muqdisho iyo bulsho-weyntaba in aan banaan bax baaxadiisa leh(Gadood ah)ku hor sameeyaan golaha barlamaan ku sheega,fariin cadhadooda leh oo ah dib looguma adkeeysanaayo waxqabad la’aantiina iyo riwaayadiina been beenta ah, Maxkamadda sare waxaa la gudboon in eey doorka ku haboon ka qaado kooxdaas fadhiidka oo qeybta ka dhibaatadda Dalka hooyo heysa(Dalku Badbaadiin u baahan Somaaliyeey).

-ALLOOW NOO ROONOOW-
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk.
-DEC-15-2011.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!