Barnaamij ku saabsan biyaha Soomaaliya, Dood cilmiyeed

by Yahye | Thursday, Oct 9, 2014

London; HN;- Magaalada London waxaa lagu qabtay barnaamij ay soo qabanqaabiyeen masuuliyiinta machadka cilmiga computerada ee Maaltek, waxaana ka soo qabygala xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee UK.

Waxaa si gaar ah xafladdaasi looga hadlay dhibaatooyinka biyo, la’aanta, abaarta iyo nabaadguurka heysta dhulka Soomaaliyeed.

Waxaa goobtaasi isugu yimid aqoonyahanno, wax garad iyo qaybo ka mid ah bulshada, iyada oo si weyn looga hadlay waxtarka biyaha iyo sida dadku ay uga faaiideysan karaan gaar ahaan dhulka engagan ee abaaruhu saameeyeen.

Maxamuud Xaaji Cilmi, Maxamed Mahdi Aadan (Bayer) iyo Abuukar Maxamed Maxamuud Tuuryare

Maxamuud Xaaji Cilmi, Maxamed Mahdi Aadan (Bayer) iyo Abuukar Maxamed Maxamuud Tuuryare

Haddaba Barnaamijkan ayaa waxaa ka hadlay saddex aqoonyahan oo ka mid ah dadkii halkaasi isugu yimid waxayna kala yihiin;  Maxamuud Xaaji Cilmi, Maxamed Mahdi Aadan oo loo yaqaan Bayer iyo Abuukar Maxamed Maxamuud Tuuryare.

Hiiraan Net

Hoos ka daawo barnaamijka oo Video ah.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!