Bashiir Goobe oo loo dalacsiiyay darajada S/guute

by wadani | Thursday, Oct 13, 2016

Muqdisho : HN :-Iyadoo muddo xileedkii sharciga ahaa ee dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ay dhamaatay ayaa waxaa socda xil boobka iyo ka faa’ideysiga xilliga kala guurka, oo marka xilligan la gaaro ay Madaxda waqtigooda dhamaatay ay sameeyaan ku takri fal awoodeed.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo badanayay saraakiisha la dalacsiinayay xilligan kala guurka dalka galay, isla markaana dhowaan la filayo in doorashooyin ka dhacaan dalka.

Darajooyinka ciidamada qalabka sida ayaa bilaabatay in si xisaab la’aan loo bixiyo, iyadoo yar iyo weynba laga wada safay darajooyin aanay is laheyn, kuwa qaarna aanay aqoon iyo waayo aragnimo u laheyn.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ayaa loo dalacsiiyay darajadii ugu sareysay ee Ciidanimo oo ah Sareeye Guud, waxaa darajadan ugu sareysa ciidanka dalka horay u heystay Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar oo dhowaan ku geeriyooday dalka Mareykanka, horayna u soo qabtay xilalka Madaxweyne kuxigeen, Ra’iisul Wasaare, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada.

Darajooyinka illaa iyo haatan la bixiyay labadii todobaad ee u dambeysay ayaa ahaa G/sare iyo Jeneraal, waxaa laga wada safay dad da’dooda ka yar tahay 25-sano, kuwaasoo aanay xitaa laheyn aqoon, isla markaana soo marin Akadeemiyo Ciidanimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 6-dii bishii September soo saaray wareegto mamnuuceysa Magacaabista ama shaqo ka joojinta jagooyinka sare ee dowladda iyo dallacsiinta saraakiisha Ciidammada Qalabka Sida, waxaana tan iyo markii ay soo baxday warqadan la dalacsiiyay in ka badan 10 Sarkaal ciidan oo darajooyin kala duwan la siiyay.

Dadka ku xeel dheer arrimaha Milateriga ayaa sheegaya in darajooyinkii ciidanimo ay noqotay mid faraha ka baxday,wali lama arak askar hoose oo loo dalacsiiyo alifle, ama xarigle, waxaase badatay dalacsiinta Col, G/sare, Jeneraal iyo Sareeye Gaas.

goobe goobe1

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!