Bayaan laga soo saaray shir Beesha Cali Maxamed, Mareexaan/Sade‏ aay ku yeesheen Nairobi

by admin | Thursday, Mar 19, 2015

Nairobi: HN:- Sida kor ku qoran bayaankan qoraalka ah ee kasoo baxay shirkii beesha Cali Maxamed (Cali dheere) ee Mareexaan Sade, ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, taariikhdu markay aheyd 4 – 6 bisha maarso 2015, kana dhacay hotelka Kilimanjaaro.

Shirkaas oo ay kasoo qeyb-galeen ilaa 147 xubnood, oo isuga jiray aqoonyahanno, culumaddiin, madax dhaqameed, siyaasiyiin, haween iyo dhalinhyaraba.

Waxaa loo doortay shir-gudoomiye Suldaan Axmed Kowsaar Cabdi Dhoore oo ka mid ah madax dhaqameedka beesha, gudoomiye ku xigeenka waxaa loo doortay Sh. Xasan Maxamud Dhoore (Xasan Garweyne) oo kamid ah culuma’udiinka beesha, waxaa sidoo kale xogheyn loo doortay Dr. Cabdullahi Ismaciil Juuraati oo kamid ah aqoonyahanada beesha.

Furitaanka shirka kadib waxaa lagu gudagalay falanqeynta qodobada shirka, oo ay ugu horeysay kalmad baraarujin iyo wacdi isuga jirta oo soo jeediyey Dr. C/wahab Sh Axmed Nuur, waxaa xigtay warbixin ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalku marayo, gaar ahaana arimaha federaalka, dastuurka cusub iyo sida ay ku suuragali karto ka dhabeynta hiigsiga 2016, laga dhageystay siyaasiga caanka ah Mr. Cabdulahi Xaaji Xasan (Cabdulahi Bushkin). Waxaa sidoo kale warbixin ku saabsan ganacsiga gudaha iyo dibada, gaar ahaan xiriirka ganacsi ay Soomaaliya la leedahay wadamada Asiyada fog sida Shiinaha, laga dhageystay ganacsadaha caanka ah ee Mr. Ismaciil Cali Diraac (Godoon). Waxaa xusid mudan iyaduna in Dr. Aaba Adan uu ka warbixiyay xaalada degaanada beesha iyo hay’adaha ka hawlgala.

Waxa ay ka qeybgalayaasha shirku isku raaciin dood dheer kadib qodobada soo socda:

1- In beesha Cali Maxamed (Cali dheere) ay xoojiso ku dhaqanka shareecada islaamka iyo sunnada nabigeena suuban (SHW).

2- In madax dhaqameedka hadda beeshu ay leedahay oo ka kooban 19-ka isuguna jira salaadiin, garaado, imaam, caaqilo, nabadoono, loo daayo xilalkooda gacana lagu siiyo gudashada xilkooda, hasayeeshe loo baahanyahay in la doorto boqor guud oo mideeya beesha, laguna caleemo saari doono inshaa alaah shirweyne lagu qaban doono magaalada Beled Xaawo inta uusan dhamaanen sanadkan 2015. Taaso ay keentay in aysan maanta jirin madax dhaqameed rasmi ah oo ay isku raacsantahay beesha Mareexaan Sade.

3- Waxaan sidoo kale cadeyneynaa in aysan beeshu aqbalin wararka iska daba imanaya ee lagu faafiyey warbaahinta, kuna saabsan sameynta madax dhaqameed beesha Sade ay u dhantahay iskuna raacsantahay, magacii la doono ha lagu sheego sida ugaas, garaad, suldaan IWM. Cidii soo tabisayna aysan ka warbixinin xaqiiqda dhabta ah.

4- Beeshu waxay soo dhaweysay shirkii Murale iyo Mareexaan ee degmada Lafey lagu qabtay 28/2-2015.

5- Beeshu waxay dhiiri-gelinaysaa in beelaha Soomaaliyeed si darisnimo ah ku wada noolaadaan, nabadgelyadana la xoojiyo.

Saxiixayaasha Bayaankan ee ay beeshu u xilsaartay qaabeynta iyo faafinta qoraalkan waa:

1- Suldaan Axmed Kowsaar Cabdi Dhoore oo kamid ah Madax dhaqameedka beesha.

2- Xasan Maxam ud Dhoore (Xasan Garweyne) oo kamid ah culuma’adiinka beesha.

3- Cabdulahi Xaaji Xasan (Cabdulahi Bushkin) oo kamid ah siyaasiyiinta beesha.

4- Ismaciil Cali Diraac (Ismaciil Godoon) oo kamid ah ganacsatada waaweyn ee beesha.

5- Cabdulahi Ismaciil Juuraati oo kamid ah aqoonyahanada beesha.

6- C/wahab Sh Adan Sh A/Nur oo kamid ah aqoonyahnada beesha.

7- Aba Adan oo kamid ah aqoonyahanada beesha.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!