Beelahii ku dagaalamay magaalada Beledweyne oo ciidamo la dhex dhigay

by admin | Saturday, Feb 7, 2015

DSC_2902Beledweyne : HN :–Ciidammo ka tirsan ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo AMISOM ayaa subaxnimadii hore saakay ku dhaqaaqay qeybo ka mid ah xaafadda Howl-wadaag oo maalintii labaad iska horimaad uu ku dhaxmarayay labo maleeshiyo beelleed.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa dadaal dheer kadib ku guuleystay in la joojiyo dagaalka ciidana la dhex-dhigo.

DSC_2894Maamulka gobolka ayaa ugu baaqay beelaha dagaalamay inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan qilaafka iyo colaada. gudoomiyaha gobolka C/fitaax ayaa odayaasha dhaqanka ka codsaday inay arinka ka shaqeeyaan soona afjaraan colaada u dhexeeysa 2-da beelood ee walaalaha ah.

DSC_2897Odayaasha dhaqanka gobolka ayaa la sheegayaa inay hada gacanta ku hayaan iyadoona la filayo in dhawaan leysa soo horfariisiyo beelihii ku dgaalamay xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!