Beelo horey ugu dagaalamay gobolka Shabeelaha hoose oo heshiis gaaray

by admin | Wednesday, Jan 28, 2015

Muqdisho: HN:- Beelihii ku dagaalamay Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa waxa ay kala saxiixdeen heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka yihiin Maamulka saddexda Gobol.

Odayaasha Labada dhinac ayaa heshiiskaan ku saxiixday magaalada Afgooye oo waayahan  uu ka socday shir looga hadlaayay xalinta dagaal beeleedyada Gobolka kusoo noq-noqday.
Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur galbeed ayaa goobjoog ka ahaa heshiiska iyadoona heshiiku ka dhacay degmada Afgooye.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah:

1-In ciddi jebisa heshiiskan lagu qaadi doono xeer ciqaabeedka u degsan Soomaalida iyo kan dowliga ahba.

2-In goobihii lagu dagaalamay la geeyo ciidamado isku dhaf ah oo isugu jira boolis iyo Nabad sugid.

3-In tababaro iyo dhaqan celin loo sameeyo maleeshiyaadka hubeysan ee gobolka ku sugan.

4-In saldhigyada ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala gobolka loo cayimo goobo ka baxsan meelaha rayidka.

5-In gar gaar beni’aadanimo loo fidiyo, loona sameeyo barnaamijyo dib u dejin ah dadkii ku barakacay colaadda.

Fududeynta adeegyada geeddi socodka iyo Dhaqangelinta heshiiska u dhexeeya beelaha ku dagaalamay Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa u xilsaaran maamul goboleedka Koonfurgalbeed ee dalka oo kaashanaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed ee dalka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo soo xiray shirka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in heshiis buuxo laga gaaray colaado ka taagneyd gobolka, isagoo kula dar daarmay inay dhaqan geliyaan heshiiska lagu soo afjarayay colaado soo noq noqday oo gobolka Shabeelaha Hoose ka taagnayd.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!