Beesha caalamka oo soo dhaweysay hakinta kuraasta lagu kordhiyay aqalka sare

by wadani | Friday, Dec 30, 2016

Muqdisho : HN : -Beesha Caalamka ayaa waxa ay ka hadashay Go’aankii 29-kii Bishan ka soo baxay Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo ku aadanaa in dib loo dhigay Doorashada 18-ka kursi ee lagu kordhiyay xubnaha Aqalka Sare ee Dalka.

Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden ayaa si wadajir ah waxa ay u soo dhaweeyeen Go’aanka ay Madasha Qaran ku hakisay Doorashada 18-ka kursi ee lagu kordhiyay Aqalka Sare.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa sheegay muhiim in ay tahay dib u eegis in lagu sameeyo kordhinta xubnaha Aqalka Sare, maadaama 54 xubnood oo Aqalka Sare ah Dastuurka Soomaaliya uu ku qoran yahay, iyadoo aan wax ka bedel lagu sameyna lagu kordhin karin.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!