Beesha caalamka oo soo dhaweysay shirka ka furmay Cadaado

by admin | Saturday, Apr 18, 2015

Muqdisho : HN :–Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka IGAD, Ururka Midowga Yurub, Ururka  Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya,  Dowladda Maraykanka,  Dowladda Ingiriiska,  Sweden,  Talyaaniga,  Itoobiya,  Uganda,  iyo  Turki ayaa soo dhoweeyay  furitaanka  Shirka maamul-u samaynta Gobolada Dhexe ee ka furmay Cadaado.

Jaalayaasha ka socda bulshada caalamka waxay ku amaaneen dadka  gobolada dhexe sida ay u soo geba-begeeyeen Shirkii dib-uheshiisiinta ee ka socday Dhuusamareeb, kaas oo ay ku muujiyeen sida ay ooga go’antahay in dalka lagu soo celyo Nabad iyo Xasilooni.

“Tani waa talaabo kale oo aad muhiim u ah, loona qaaday dhinaca Nabadda iyo Qaran-dhisidda ee khusaysay dadka Goboladda dhexe27 iyo dhamaan Soomaalida oo dhan. In kasta oo aan ka dhursugayno in uu Shirka Cadaado uu ku dhamaaado guul, hadana waxaan ku boorinaynaa dadka ku nool goboladda  dhexe in ay maamulkooda ku dhistaan hab kudhisan dib-uheshiisiin, isutanaasul,  iyo in ay u wada dhamaadaan shirka,” ayay yiraahdeen jaalayaasha ka socday bulshada caalamka.

Jaalayaasha ka socda bulshada caalamka waxay boogaadiyeen dowrkii uu  Maxadwayne Xasan Sheikh Maxamuud ka cayaaray furitaanaka  Shirka,  kaas oo dhacay 16 Abriil. Wuxuuna ku booriyay dhamaan ka qaybgalayaasha shirka  Cadaado in ay meel iska dhigaan danaha  khaaska ah  iyo wixii farqi ah ee u dhaxeeya ayaga,  una wada holwgalaan si wadajir ah, horumariyaana nabadda iyo dhisidda  Dowlada  Gogoleedka.

Jaalayaasha ka socda caalamka waxay si adag oogu guubaabiyeen  dhamaan ka qaybgalayaasha  shirka in ay u wada howlgalaan si wax dhisid iyo didb u heshiisiin ku qotonta , si ay aasaaska oogu dhigaan Dowlad Goboleed  ku Meel Gaar ah. Jaalayaasha ka socda bulshada caalamka lana shaqeeya Soomaaliya, waxay balan qaadeen taageero si loo dhaqan geliyo natiijada ka soobaxda shirka wakhtiga ku haboon.

“Jaalayaasha ka socday bulsha caalamka waxay u mahad celinayaan  Dadka  Xibin iyo Xeeb iyo Maamulkooduba, kaas oo nagu soo dhoweeyay (magaalada cadaado) taariihkda markay  ayeed 15 Abriil, waxayna noo suurta geliyeen in aan si toos ah u aragno dadbadan oo ay arrintu khusaysay. Booqashada waxay aheed muujin aan muujinayno taageerada aan u hayno (howsha)  iyo  in aan horumarino dhaqanka ku fadhiya isu tanaasulka”, ayuu yiri  Ergayga Gaarka ah ee  Xoghayaha Guudd ee Qaramada Midoobay  u qaabilsan Soomaaliya,  Nikolas Kay.

Heshiiska lagu dhisayo  Maamulka  Goboladda dhexe waxaa lagu  saxiixay Muqdisho 30  Julay 2014, dhamaan dadka ay arrintu khusaysayna waxay ku heshiiyeen in ay  ay sameestaan maamul loo wada dhanyahy. Mudadaas wixii ka dambeeyay, dhamaan dhinacyada ay arrintu khusayso, waxay u howlgaleen  sidii lagu heli lahaa dhib-u heshiisiin,  iyo Geedi socod lagu dhisayo  Dowlad Goboleed ku meel gaar ah ee ka curata Goboladda dhexe.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!