Beesha caalamka oo wadda jir u soo dhaweysay doorashada madaxda Galmudug

by admin | Sunday, Jul 5, 2015

Muqdisho : HN :–Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka Bariga Afrika ee IGAD, AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayaa si Wadajir ah u soo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug ee shalay ka dhacday degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, iyagoo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay u diray hamblayo.

“Waxaan u hambalyeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo madaxweyne ku xigeenka, Maxamed Xaashi Cabdi iyo sidoo kale waxaan iyana Hambalyo u diraynaa Xildhibaannada Galmudug ee wax doortay. Waxayna Doorashadu u dhacday si Cadaalad ah oo lagu Kalsoonaan karo,” ayaa lagu Sheegay War-Saxaafadeedka ay sida Wadajir ah u soo saareen xubnaha Beesha Calaamka.

Sidoo kale, Warka ayaa lagu xusay inay kula talinayaan madaxweynaha la doortay C/kariin Xuseen Guuleed iyo ku xigeenkiisabeesha caalamak Maxamed Xaashi in xukuumadda ay soo dhisayaan ay kaalin weyn ku lahaadaan Haweenka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxaan ku Ammaanaynaa kaalintii ay ku lahayd inuu maamulka Galmudug dhismo iyo Fulinta Qorshaha Federaaleynta Soomaaliya. Waxaan sidoo kale ku Ammaanaynaa Murashaxiintii Doorashada ka Qayb-galay sidii ay Natiijada ka soo baxday doorashada ugu Qanceen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Beesha Calaamka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan wadahadal lala furo dhinacyada cabashada qaba si ay maamulka ugu soo biiraan. Waxaan soo jeedinaynaa bay yiraahdeen in maamulka cusub ee Galmudug uu noqdo mid loo dhan yahay, ayna wadahadal ku dhameeyaan wax walba oo ka horyimaada, iyagoo u muujinaya dhinacyada kale niyad-wanaag iyo kalsooni.

“Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay Wadahadallo la furaan maamulka Puntland si loo xalliyo muranka Soohdinta ah ee taagan.” ayaa mar kale lagu yiri War-saxaafadeedka Beesha Calaamka.
Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Dowladda Somalia iyo Puntland in ay Xushmeeyaan heshiisyadii ay ku kala saxiixdeen Muqdisho iyo Garoowe, kuwaasoo la xiriira xuduudaha.

Iyagoo hoosta ka xariiqay in muranka taagan uusan sabab u noqon carqaladeynta amniga iyo xasilloonida xilligan ka jirta deegaannadaan.

Ugu dambeyn, Beesha Calaamka ayaa War-saxaafadeedkeedan kusoo Gunaanadday inay diyaar u yihiin inay kaalin ka Qaataan sidii xal looga gaari lahaa muranka hadda taagan ee dhanka xuduudaha Maamullada Gobollada Dalka.

Hiiraan Net.
___

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!