Beesha caalamka oo walac ka qabta doorashooyin ka dhaca dalka sanadka 2016-ka

by admin | Saturday, Jan 24, 2015

Muqdisho : HN : Beesha caalamka ayaa sheegtay in ay ka walaacsan yihiin Hiigsiga sanadka 2016-ka ee Somalia, xiligaasoo la qorsheeyay inay Soomaaliya ka dhacdo doorasho xor ah.

Warbixintan wadajirka ah ayaa waxaa soo saaray; Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Britain iyo Mareykanka, iyagoo ka dalbaday madaxda dalka in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo dhiso xukuumad.

Beesha caalamka ayaa kaga dayriyay dib u dhac ay sheegeen inuu Siyaasadda dowladda Soomaaliya ku yimid, taasoo ay sheegeen inay sabab u tahay is-qabqabsiga iyo khilaafka siyaasadeed ee madaxda Somalia kusoo laalaabtay, iyagoo sheegay in si arrintaas aysan mushkilad ugu noqon geeddi-socodka la doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorasho lasoo dhiso xukuumad la hubo oo uusan baarlamaanku soo celin.

“Dib u dhaca oo sii socda wuxuu khatar weyn ku yahay horumarka Soomaaliya ee dhinaca hiigsiga 2016-ka, amniga iyo siyaasadda,” ayaaXubnaha_Beesha_Caalamka_Somalia xubnahan ku sheegeen warbixinta ay sida wadajirka ah u soo saareen.

Qoraalka wadajirka ah ee Beesha Caalamka ay ku muujiyeen walaacooda Hiigsiga dalka lagu gaarsiinayo doorashooyin ayaa imaanaya xilli aan weli lasoo dhisin xukuumad, iyadoo dhawaan baarlamaanka Somalia uu dib u celiyay xukuumad uu soo dhisay ra’iisul wasaare Sharma’arke.

Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa la siiyay 14 casho si uu xukuumad ka duwan tii horay ay baarlamaanku uga horyimaadeen u soo dhiso, waxaana xilliga la siiyay ra’iisul wasaaraha ka harsan muddo hal toddobaad ah.

Sidoo kale, dhamaadkii sannadkii hore ayaa la tuuray ra’isal wasaarihii hore ee Somalia, C/weli Sheekh Axmed, kaddib markii khilaaf xooggan uu isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh soo dhexgalay, kaasoo ugu dambeyn keenay in kalsoonida lagala laabto C/weli Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele oo doorashooyin ka dhaca Somalia sannadka 2016-ka ka hadlay ayaa xusay inay ula muuqato mid aan macquul ahayn, isagoo xusay inaan laga fursan karin in waqtiga doorashooyinka dib loo dhigo, isla markaana muddana loo kordhiyo dowladda hadda jirta si ay uga shaqeyso doorasho dalka ka dhaca.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa xilka Ra’iisul wasaaraha u magacaabay bishii December ee sannadkii hore 2014-kii Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo laga sugayo inuu xukuumad cusub soo dhiso, si howlaha harsan ay u sii dar-dar-geliso.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!