BELEDWEYNE” Musharax C/raxmaan Xusseen Cadoow oo la soo dhaweeyay

by wadani | Friday, Jan 1, 2016

MusharaxBeledweyne : HN :– Munaasabadan oo noqonaysa tii ugu ballaarneyd oo waayadii ugu danbeeyay loo qabto shaqsi soo bandhigaya dhankiisa siyaasadeed ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay musharaxa madaxweynaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe C/raxmaan Xusseen Cadoow oo dhawaan gaaray magaalada Beledweyne.

Mas’uuliyiinta maamulka heer gobol, odayaasha dhaqanka, dhalinyarro, haween iyo marti-sharaf kale ayaa soo camiray goobta munaasabada lagu qabtay Ex Baar Xassan Dhiif ee magaalada Beledweyne, waxaana halkaa
khubado kala duwan ka soo jeediyay mas’uuliyiin iyo odayaal dhaqameed taageero mug leh u muujiyay musharaxa.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xusseen Cismaan Cali munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dhinacooda hanka siyaasadeed ee musharaxa, waxaana uu u rajeeyay guul iyo uu ku soo baxo kursiga madaxweynaha maamulka labada gobol.

Musharaxa C/raxmaan Xusseen Cadoow oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa sheegay in haddii loo doorto xilka madaxweynaha maamulka labada gobol ka shaqeyn doono siidii bulshada ku dhaqan labada gobol ay u heli lahayeen, cadaallad, midnimo iyo sinnaan, siddoo kalana la dagaaalami doono musuq-maasuqa, shaqo abuur u sameyn doonno
dhalinyarrada ku dhaqan Hiiraan iyo Sh/dhexe si wax looga qabto tahriibka,meeshana looga saaro dhimashada baahsan ee dhalinyarrada Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo uu sheegay in uu ka shaaqeyn doonno kobcinta dhaqallaha labada gobol iyada oo dib loo soo nooleynayo dhamaanba goobihii adeega bulshada iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee e ku bur buray dagaalladii sokeeye,hergalinta waxbarashada lacag la’aan ah ayuu siddoo kale soo hadal qaaday.

Marka la eego dhamaanba balan-qaadyada musharaxa oo ahaa kuwo dhinacyo badan taabanaya ayaa ku xirran in uu marka hore ku guuleysto xilka madaxweynaha maamulka Hiiraan & Sh./dhexe.

Odayaasha dhaqanka iyo qeybihii kala duwanaa bulshada ee munaasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay qorshaha musharaxa oo ay u arkayeen mid  diirada lagu saarayo dhamaanba baahiyaha kala duwan ee ka jira labada
gobol.

musharaxa-hiiraanxog.com-25 musharaxa-hiiraanxog.com-22 musharaxa-hiiraanxog.com-22 Musharax musharaxa-hiiraanxog.com-29 Musharax1 Musharaxaa Musharax

 

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!