Bishaar Al- Assad oo booqasho cajiib ah ku tagay dalka Ruushka

by admin | Wednesday, Oct 21, 2015

Moscow : HN : — Madaxweynaha dalka ay dagaallada la hareen ee Suuriye Bishaar Al-Assad ayaa safar aan lag sii war-qabin ku tagay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, isaga oo halkaa kula kulamay hogaamiyahaasha dalka Raashiya oo ugu horeeyay madaxweyne Vilada Mire Puntin.

Madaxweyne Bishaar iyo dhigiisa dalka Ruushka ayaa wada hadalo ku qaatay aqalka Kremlink, iyagoo ka wada hadlay xaaladihii u dambeeyay ee dalka Suuriya iyo weerarada Cirka ee Ruushka ka wado dalkaas.

bashar-asad-3Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad ayaa u mahad celiyay Ruushka, waxaana uu xusay in Ruushka uu joojiyay is fidintii Argagixisada ee Suuriya.

Sidoo kale Madaxweyne Putin ayaa sheegay in kaliya Ruushka uusan diyaar u ahayn oo kaliya milatari la dagaalama argagixisada, laakiin uu sidoo kale diyaar u yahay in xal siyaasadeed la helo mashaakilka Suuriya.

Ruushka ayaa bishii hore bilaabay weeraro cirka ah oo ka dhan ah Daacish iyo falaagada dagaalka kula jirta Madaxweyne Bashar Al-Assad, waxaana weerarada cirka dhaleeceeyay dalalka reer galbeedka.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!