Booliiska Gaaris oo gacanta ku dhigay hub iyo rag ku eedeysan Al-shabaab

by admin | Thursday, Aug 27, 2015

Gaarisa : HN :–Ciidamada booliiska magaalada Gaarisa ee gobolka W/bari dalka Kenya ayaa xalay xaafad katirsan Magaaladaasi waxa ay ku qabteen hub aad u badan iyo rag la tuhmayo in hubkaasi lahaayeen kana tirsan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Madaxa Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari Max’uud Saalax oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in hubkan oo aad u tiro badangaris_1 kasoo qabteen guri kuyaala Magaalada Gaarisa, waxa uuna intaa raaciyay in ciidamada ay xireen rag lagu tuhmayo Shabaabnimo oo hubkaasi guriga laga helay ku sugnaa.

Waxaa uu intaa ku darray  in xogta ay hubkan ku soo qabteen in ay ka heleen xubno maalmo ka hor laga xiray magaalada Gaarisa, waxaana uu tilmaamay hubkan xalay la qabtay in uu ka badan yahay kii maalmo kahor ku qabteen Magaalada Gaarisa.

Ciidamada amaanka Magaalada Gaarisa ayaa wada howlgalo ay ku raadinayaan rag la tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab iyo hub si dhuumalaeesi ah loogu duugay xaafado katirsan Magaalada Gaarisa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!