Booliiska Kenya oo sheegay in ay qabteen shaqsi ka tirsanaa Al-shabaab

by admin | Sunday, May 17, 2015

Nairobi : HN :–Saraakiisha booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca dhaqaalaha iyo qorista dhalinyara ku soo biiraya.

Taliyaha CiidamadaBooliska Mombasa Robert Kitur ayaa sheegay in ninkan oo 45-jir ah oo lagu magacaabo Cabdalla Saalim Bindo uu Al-Shabaab ka caawin jiray dhaqaalaha.

Sidoo kale waxaa uu xusay in ninkan uu Al-Shabaab dhalinyarada ugu qori jiray Gobolka Xeebta ah, gaar ahaan deegaanada Likoni iyociidan Kwali.

Taliyaha ayaa sheegay in ninkan ay su’aalo weydiinayaan ciidamada dambi baaristan, waxaana uu tilmaamay inay ka qabteen maqaayad ku taala Mombasa.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa tan iyo weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee bishii hore kordhiyay howl galada, iyadoo shalay Wasaaradda Amniga Kenya ay muddo bil ku dartay Bandawgii ay saartay Gobolka waqooyi bari.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!