Booliiska Kenya oo toogasho ku dillay labo ruux oo ay ku tilmaameen Al-shabaab

by admin | Sunday, Apr 12, 2015

Kenya : HN :–Ciidammada booliiska dalka Kenya ayaa howlan xoojinta amniga dalkaas oo ka cabsi qaba dagaallamayaasha al-Shabaab,sida ay sheegeen madaxda amniga dalkaas.

Booliska ayaa toogasho ku dilay labo nin oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen al-Shabaab,kuwaaso oo ay ku dileen howlgal ay ka fuliyeen guri ay degganayeen ragga la dilay.

Taliyaha booliska ee howl-galkaasi u xilsaarnaa ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in ragaasi inay ka soo laabteen dalka Soomaaliya 386x199xKenya-Polis.jpg.pagespeed.ic.u0U85L4jY9kaddib markii ay tababarro la qaateen dhaq dhaqaaqa al-Shabaab.

Sidoo kale,howlgalka inta uu socday waxaa lagu dhaawacay mid kamid ah saraakiisha booliska balse guddoomiyaha gobolka Kwale Ivans Ashoke ayaa sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay.

Toogashada labada nin ayaa ku soo aadaysa xilli booliska dalka Kenyaa ay toddobaadkii tagay baahiyeen magacyada iyo sawirada 10-qof ugu yaraan oo ay sheegeen in ay xiriir la leeyihiin dhaq dhaqaaqa al-Shabaab kuwaasi oo gudaha u galay Kenya kaddib tababarro ay ku qaateen Soomaaliya.

Hiiraan Net.
___

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!