Booliiska Kenya oo xir xiray ardey la soo eedeeyay

by admin | Wednesday, May 13, 2015

Nairobi : HN :–Ciidammada booliiska dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay ilaa afar ardey ah oo lagu eedeeyay in ay damacsanaayeen fulinta weeraro argagixiso.

Ardeydan ayaa lagu eedeeyay in ay warqad hanjabaad ah u gudbiyeen maamulka Iskuulka, taasoo ay ku sheegeen waqtiga uu dhici doono weerarka.

Gudoomiyaha deegaanka Marsabit ee gobolka waqooyi Bari Kenya, Wanyama Musiambo oo warbaahinta la hadlayKenya-troops ayaa sheegay in ardeydani ay warqadd hanjabaad ah u direen maamulka Iskuulka, taasoo ay cadeeyeen faahfaahinta habka ay u fulin doonaan weerarka.

Ardeydan afarta ah oo ay da’doodu u dhexeeyso 13 – 16 sano jir, ayaa waxa ay dhigtaan fasalka sideedaad ee iskuul lagu magacaabo St Kizito oo ku yaal gobolka waqooyi bari dalka Kenya.

Ardeydani ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay waqti badan gelin jireen isticmaalka aaladda Internetka, taasoo la tuhunsanyahay in ay xiriiro la sameyn jireen kooxo argagixiso ah oo lagu eedeeynayo in ay wada shaqeyn ka dhexeeyso.

Fariinta hanjabaadda ah ee ay wiilashani direen ayaa la sheegay in ay ka danbeeysay kadib markii laga ceeyriyay iskuulka, amarna lagu siiyay in ay keenaan waalidiintooda.

Dhawaan ayay ahayd markii Jaamacadda Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya uu ka dhacay weerar culus oo ay ku dhinteen dadka ku dhow 150 qof oo u badnaa arday, iyadoo masuuliyadda weerarkaasi ay sheegeen xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!