Booliiska Kenya oo xirray rag la sheegay in ay u dhasheen dalka Iiraan

by admin | Saturday, Sep 20, 2014

Nairobi : HN ;– Ciidammada nabad-galyada dalka Kenya ayaa la sheegay in ay xabsiga dhigeenn labo nin oo looga shakiyey argagixiso, kuwaa oo u dhashay dalka Iiraan

Ragga la xirray ayaa la sheegay in ku safrayeen baasbaaro Israeli ah,taas oo shaki ku abuurtay booliska Kenya , islamarkaana sababtay in  la xirro

Mwenda Njoka oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa saxaafadda u sheegay in labada nin lugu qabtay garoonkaHowlgallo-ka-socda-magaaladda-Kampala-iyo-Soomaali-lugu-xir-xiray JKIA maalinimadii Khamiista.

Afhayeenku wuxuu sheegay in labadan nin lagu tuhun sanyahay inay maleegayeen falal argagixiso oo ay ka fuliyaan gudaha Kenya ama meelo kale.

Labadii nin ayaa hadda waxaa gacanta ku haya oo baaraya booliska qeybta argagixiso la dirirka ee loo yaqaano ATPU.

Kenya ayaa fiijignaan kaga jirta weerarro dalkeeda ka dhacay,waxaana mudooyinkii danbe soo baxayey farriimo looga digayo Kenya dalkeeda inay soo galan xubno ka mid ah argagixisada.

Hiiraan Net.

___

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!