Booliska Muqdisho oo amaro cusub soo saaray iyo howlgallo laga bilaabayo Muqdisho

by wadani | Friday, Nov 4, 2016

Muqdisho : HN : -Booliska caasimadda Muqdisho ayaa soo saaray a-waamiir cusub oo ku saabsan amniga,waxaana la sheegay inay billaaban doonan howlgallo cusub oo ay ciidamada dowladda fulinayaan.

Taliyaha booliska gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay a-waamiirta cusub ee ka soo baxay taliska inay qayb ka tahay caasimadda Muqdisho inan loo ogalan doonin ciidamo aan qeyb ka aheyn kuwa amniga oo hub ku dhex wata magaalada.

Wuxuu inta ku darey in ciidamada nabad-sugidda, booliska iyo milateriga ay iska kaashan doonaan sugidda amniga magaalada Muqdisho, isagoo xusay in ciidan aan aheyn ciidamada howsha ku jira aan lagu arki karin magaalada, cidii jebisa amarkaas laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Col. Bishaar,waxaa kalo uu sheegay booliska dhexdda inuu u xiranayo sidii loo sugi lahaa ammaanka,iyadoo marka la yareeynayo ciidamada kala duwan ee hubka ku sita gudaha magaalada.

Ugu danbeyntii, waxaa uu markan imanaya xilli dhawaan la filayo magaalada Muqdisho in lugu qabto doorashada guud ee maxweynaha.
__

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!