Booyad shidaal ah oo qaraxday iyo dad badan oo ku geeriyooday

by wadani | Friday, Nov 18, 2016

Mozambique : HN :- Ugu yaraan 73 qof ayaa dab booyad shidaal oo qaraxday ka kacay ku dhintay dalka Mozambique.

Tobanaan qof oo kale ayaa dabkaa ku dhaawacmay. ‘Dhimashada yaa haatan gaadhay 73’, idaacada dawlada ee dalkaasi Mozambique ayaa sidaa sheegtay shalay Khamiistii.

Booyada ayaa markii ay gubatay waxaa dad meesha ka ag dhawaa ay isku dayeen inay shidaal ka xadaan dadkaa oo ku soo yaacay dabadeedna halkaa ku le’day.

Dawlada dalkaa ayaa sheegtay in 110 qof ay ku dhaawacmeen dabkaa.

Ilaa hada ayaan la ogaan sababta rasmiga ah ee gaarigaasi u gubtay una qarxay.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!