Boqolaal ruux oo laga cabsi qabo in ay ku geeriyoodeen badda Mediterranean-ka

by admin | Thursday, Aug 6, 2015

Muqdisho : HN :–Boqollaal Ruux oo kasoo jeeda Waddamada Afrika qaarkood ayaa lagu soo waramayaa in lagu la’yahay badda u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, kuwaasoo tahriib ahaan ugu socday Yurub.

Tahriibayaashan oo ka tagay dalka Liibiya ayaa ku safraayay dooni nooca kallumeysiga ah, Waxaana hadda kooxaha u Gurmaday Sheegayaan inay ka baqdin Qabaan inay dad badan dhinteen.Tahriibayaal_la_badbaadiyay_Italy

Doonida ayaa la xusay inay saarnaayeen dad tiradooda lagu qiyaasay 700 oo qof, waxaase illaa iyo hadda la helay 100 oo qof oo keliya, Iyadoo dadka lagu la’yahay baddala sheegay inay isugu jiraan dad waaweyn iyo carruur ay wateen.

Ciidmada Cirka dalka Ireland oo qayb ka qaadanaya baadi-goobka dadkaan la la’ yahay laga baqdin qabo in dhimashadu ay aad u badan tahay, halka dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ay durba xaqiijiyiin in tiro badani dhimatay.

Sidoo kale, MSF ayaa sheegay in doonida hoosteeda ay ku jiraan in ka badan 100-qof oo Tahriibayaash ah, waxaana afhayeenad u hadashay dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ay sheegtay in doonida ay dadkan la socdeen ay tahay mid loogu talo-galay inay qaaddo 30 illaa 40-qof, balse ay boqolaal qof sidday.

Ugu dambeyn, sanadkan 2015 oo ayaa la xaqiijiyey inay badda Mediterranean-ka ay ku dhinteen in ka badan 2,000 oo qof, oo dhamaantood ahaa muhaajiriin u socdaalayay dalalka Yurub.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!