Boqor Cabdallihii dalka Sacuudiga oo xalay geeriyooday

by admin | Friday, Jan 23, 2015

Riyadh  : HN :–Saqdii dhexe ee xalay ayaa lagu waramayaa in uu ku geeriyooda isbitaal ku yaalla magaalada Riyadh ee dalka Sacuud Arabiya boqorkii dalkaas Boqor C/dalla Bin Casiis.

Saraakiil ka tirsan Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijiyay in Boqorka uu geeriyooday, kadib todobaadyo uu la xanuunsanayay xanuunka oof wareenka.

Boqor Cabdalla oo da’diisa aheyd 90-sano jir ayaa xilka Boqornimada la wareegay sanadkii 2005-tii, kadib markii uuBoqor-Cabdallaa geeriyooday walaalkiis ka weynaa Boqor Fahad.

Bayaan ka soo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in xilka Boqorka uu la wareegay walaalkiis oo ay isku aabaha yihiin oo lagu magacaabo Amiir Salmaan, kaasoo 79-sano jir ah.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa la saaray aayado qur’aan, iyadoo inta badan Sacuudiga looga dhawaaqay Tacsida Boqorka oo lagu wado in lagu aaso.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!