Boqorka Sacudiga oo Xassan Sheekh ugu hambalyeeyay 21 October

by wadani | Sunday, Oct 23, 2016

Saudi Arabia : HN :-Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Binu C/casiis ayaa dowladda Soomaaliya u soo diray hambalyo  ku aadan 21-ka October, iyadoo boqortoyada Sacudi Carabiya ay u haysato 21ka Oktoobar maalinta qaranimada dalka Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa Hambalyadaan ay Dowladda Soomaaliya u soo dirtay bilowday illaa Sanadkii 2007,waxaana illaa xiligaa marka la gaaro 20-ka October ay Soomaaliya u soo dirtaa Dhambaal Hambalyo ah.

Sidoo kale Amiirka Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa dhambaal hambaly ah u soo diray dowlada Soomaaliya munaasabada 21ka Oktoobar.

Hase yeeshee 21ka Oktoobar ayaa ah maalintii uu xukunka afgambi ku qabsaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre,waxaana maalinta qaranimada Soomaaliya loo dabaaldegaa 1da July oo ah maalintii ay xornimada qaateen gobolada Koofureed ee dalka isla markaana ay midoobeen Koofurta iyo Waqoyiga Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, dowladda Soomaaliya dhankeeda kama hadlin Dhamaalka ay had iyo jeer Boqortooyada Sacuudiga u soo dirto Soomaaliya.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!