Boqorkii ka Cararay Boqortooyadiisii, Qiso cajiib ah

by Yahye | Thursday, Apr 17, 2014

Nin Ummadihii Hore ka mid ah oo uu ku sugan yahay Boqortooyadiisii ayaa Fakarey, wuxuuna gartay inuu Boqortooyada ka Dhammaanaayo, waxa uu ku Dhex jirana uu ka Mashquuliyey Cibaadada Rabbigiis, markaas buu Habeen Habeenada ka mid ah ka Dhuuntay Qasriga, wuxuuna ku Waabariistay Boqortooyo kale, wuxuuna Tagey Xeebta, wuxuuna Mushqaayad ku samayn jirey Labanka (Bulukeetiga), wuuna Cuni jirey, Haraagana wuu Sadaqaysan jirey, sidaasna kama Suulin ilaa Arrinkiisa, Cibaadadiisa iyo Fadligiisu gaaray Boqorkoodii.

Markaas ayaa Boqorkoodii u soo Cid diray inuu u yimaado, wuuna Diiday inuu u yimaado, markaas buu ku soo Celiyey, ilaa saddex jeer, wuuna Diiday inuu u yimaado, ka dib Boqorkii wuxuu soo Fuulay Faraskiisii, Ninkii markuu arkay ayuu Cararay, Haddaba Boqorkii markuu Arrintaas arkay ayuu ka Daba Orday, mase gaarin.

markaas ayuu Boqorkii u yeeray Ninkii isagoo dhahaayo:- Addoonka Alloow wax dhib ah kuu gaysan maayo, ka dib ayuu Istaagay ilaa uu soo gaaray, markaas ayuu ku yiri:- Yaa tahay Adiga?. Wuxuu yiri:- Anigu waxaan ahay: Hebel hebelkii lahaa Boqortooyada Heblaayo Hebel.

Arrintayda ayaan ka Fakaray, markaas baan gartay waxa aan ku Dhex jiro inay Go’ayaan, wuxuuna iga Mashquuliyey Cibaadada Rabbigeey, markaas baan isaga tagey, halkaan ayaana imid si aan u Caabudo Rabbigeey. Markaas buu yiri Boqorkii:- waxaad samaysay Aniga iigama Baahi badnid.

Intaas ka dib Boqorkii Faraskiisa ayuu ka soo degay, wuuna sii Daayay, ka dibna Ninkii ayuu raacay, si wadajir ah ayayna Allaah SW, u Caabudi jireen, markaas bay Ilaahay ka Baryeen inuu iyaga oo Wadajira Dilo, sidii ayeyna ku Dhinteen iyagoo Wada jira.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW NAXRIISTAADA NA SII).

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah