Scroll to Top

Hiiraan | Hiiraan Net |

Hiiraan | Hiiraan Net | Wararka somalia | Somali news | Warar, Quraan iyo Tafsiir.

Boqortooyada Sacuudiga oo 47 ruux ku fulisay dil

by wadani | Saturday, Jan 2, 2016

Saudi Arabia : HN :–Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu soo waramayaa iney maanta dil ku fulisay Afartan iyo Todo qofood oo lagu eedeeyay falal argagixiso, waxaana dadkaasi ka mid ahaa wadaad Shiico ah oo lagu magacaabo  Nimri Baaqir Al-Nimri.

Dadkan la dilay oo ka koobnaa  47 ruux ayaa la sheegay in 45 ka mid ah ay u dsaudi-arabia-flaghasheen dalka Sucuudiga halka halka labada kale ay u kala dhasheen dalalka Chad iyo Masar, waxana dadkani lagu eedeeyay argagixisanimo.

Nimri Baaqir Al-Nimri oo ahaa wadaad shiico ah kana mid ahaa dadka la dilay ayaa sanadkii 2012 cambaareyn u jeediyay dowladda Boqortooyada Sacuudiga, isagoo ku baaqay in doorashooyin madax banaan ay ka ka dhacaan dalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in dhamaan dadkan lagu helay dambi argagixiso ah.
Dilkan wadaadkan ayaa durbaba waxaa ka dhashay banaan bax looga soo horjeedo oo ay dhigayeen dadka laga tirada badan yahay ee Shiicada.

Iiraan oo ah dal Shiico ah ayaa durba cambaareeysay dilka dadkaasi iyadoo sheegtay in boqortooyada Sacuudigu ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto arrinta dilka dadkaasi

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!
%d bloggers like this: