Britain oo muwaadiniinteeda ka joojisay in ay u safraan magaalada Sharma Sheekh, Masar

by admin | Friday, Nov 6, 2015

London  : HN :–Ra’iisul wasaaraha dalka Britain,David Cameron ayaa ku dhawaaqay in dawladiisa ay iska joojisay diyaaradihii uga tagi jiray magaalada loo dalxiiska tago ee ku taalla dalka Masar Sharma Sheekh.

David Cameron waxaa uu sheegay si loo illaaliyo amaanka muwaadiniintiisa doonaysa inay Sharma Sheekh ka tagaan in la joojiyay duulimaadyadii magaaladaasi ka tagi jiray.

Dhinaca kale,diyaarado ayaa dib u daad gureyn doona dadka British ka ah ee dalxiiska u jodavid-cameronoga magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masart, sida looga dhawaaqay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Britain.

Shirkadaha diyaaradaha ee kala ah, Easyjet, Monarch, Thomson iyo British Airways dhammaan waxa ay daad guureyn doonaan rakaab wajihidoona baaritaano dheeraad oo dhanka amniga ah.

Rakaabka diyaaradahaasi raacaya waxaa loo ogolyahay oo keli ah alaabta gacanta ay ku sitaan, boorsooyiinka iyo alaabaha kale ee culusna diyaarado kale ayaa la saarayaa, sida Britain ay sheegtay.

Kumanaan British ah ayaa weli ku suganaa Sharma Sheekh, markii Britain ay ku dhawaaqeysay inay hakisay duullimaadyadii uga imaanaayay ama aadayay Masar.

Dowladda ayaa go’aankaasi ku dhawaaqday arbacadii, kaddib markii ay soo bexeen warar sheegaya in diyaaradda Ruushka ee la soo riday bam uu saarnaa.

War kale oo lugu baahiyay bogga BBC-da waxaa lugu sheegay inay oggaadeen baarayaasha Britain ee raadinaya waxa sababay burburka diyaaradda rakaabka ee Ruushka ay aaminsan yihiin in uu ahaa bam la sii saaray diyaaradda ka hor inta aysan duulin.

Madaxweynaha Mareykanka, Barak Obama waxa uu dhankiisa sheegay in Mareykanka uu si dhab ah u qaadanaayo suuragalnimada ah in bam uu saarnaa diyaaradaasi.

Laakiin Masar waxa ay sheegeysaa in aan la gaarin xilli go’aan la gaaro, ayna ahayd in Britain ay la wadaagaan wararkii ay hayeen saaxiibadooda.

Ra’iisul wasaare, David Cameron waxa uu sheegayaa inay “aad ugu badan tahay” in bam argagixiso uu sababay burburka diyaaradda oo ay ku dhinteen 224 qof oo la socotay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!