Britain oo wasaarada difaaca Somaaliya ku wareejiysay gadiid ciidan

by wadani | Saturday, Dec 19, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini,  ayaa maanta kala wareegay gaadiid loogu deeqay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Safiirka Dawladda Boqortooyada Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Harriet Mathews. Wasiirka ayaa  uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Boqortooyada Ingiriiska taageerada ay u fidiyeen ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Wasiir Diini oo munaasadda wareejinta gadiidka oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageeradan gaadiid, sidoo kalena tilmaamay in taageero kasta oo ciidan loo adeegsan doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka dawligga.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan saaxiibka nahay ee Ingiriiska oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba. Gaadiidkan guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa dawladda Ingiriiska,” ayuu yiri Wasiirka.

ca4494bb-38a5-41c6-ae06-ec3ee42487eaTaliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed oo goobta ka hadlay ayaa xusay in gaadiidkan ay dowladda Ingiriisku ugu deeqday ciidanka uu yimid xilli ay jirtay baahi. Isagoo mahadcelin u jeediyey Safiirka iyo dawladda Ingiriiska.

Ugu danbeyntii dhinaca kale, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhida dalka Soomaaliya Amb Harriet Mathews  ayaa xustay in taageerida dowladda Ingiriiska ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka tahay daacad. Isla markaana ay xoojin doonaan taageerada ay siinayaan Ciidanka Xoogga dalka.

Hiiraan Net.,

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!