Burcad badeed Soomaali ah oo lagu maxkamadeynayo dalka Mareykanka

by Somali | Thursday, Feb 21, 2013 | 32 views

burcad-badeed-laNorfolk  : HN :   Wararka laga hellayo dalka Mareykanka ayaa sheegaya in shan burcad badeed Soomaali ah lagu maxkamadeynayo maanta magaaladaNorfol ee dalka Mareykanka.

Shanta qof ayaa lagu eedeeyey inay markab-ka Ashland oo ay ciidamada badda ee Mareykanku leeyahay ay ku rasaaseeyeen xeebaha bariga Afrika sanadkii 2010, iyagoo u maleynayay inuu yahay markab ganacsi oo ay doonayeen in ay afduubtaan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamadii la socday markabka ay rasaas ku fureen kooxaaha weerarka soo qaaday, taasoo keentay in uu dhinto mid ka mid ah burcad badeeda.

Benjamin Lucas Hatch oo ka tirsan dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ujeeddadoodu aysan markii hore ahayn burcad badeeddu in ay weeraraan markabka ciidamada, hase yeeshee uu qorshahoodu ahaa ina ay afduubtaan markab ganacsi si ay madax furasho uga qaataan.

Ma’aha dacwadii ugu horeysay oo dalka Mareykanka uga furanta burcad badeeda Soomaaliya, waxaana marar badan oo hore magaalooyin kala duwan oo dalkaasi ka mid ah laga furay dacwado la xiriira burcad badeeda.

Wararku waxaa ay sheegayaan haddii danbiga lagu helo eedeysanayaasha waxay wajahayaan xabsi daa’in.

Hiiraan Net.

 

 

 

Like it? Share it!