Caalamka oo wadda jir isha ugu haya hormar dhinaca siyaasada ah oo Soomaaliya laga sameeyo

by admin | Monday, Aug 3, 2015

Muqdisho : HN :–Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada midowday ee Ingiriiska,

waxay soo wada dhoweynayaan ballanqaadyadii lagu sameeyay shirki madasha wadatashiga Heerka Saree ee ka dhacday Muqdisho. Soddon iyo Laba wufuud ayaa ka qayb gashay shirkaas taariikhiga ahaa, kaas oo ahaa shirkii ugu ballaarnaa ee caalamiga ahaa oo ka dhaca Soomaaliya muddo tobaneeyo sano ah.

“Waxaan ugu hambalyaynaynaa dowladda Federaalka Soomaaliyeed shirkaan guusha ku dhamaaday. Waxaan bogaadinaynaa ballanhiigsiga-11 qaadyadii lagu sameeyay Madashii Wadatashiga ee Heerkeedu Sarreeyay, (ballanqaadyadaas oo ahaa) in la helo hanaan doorasho oo hufan loona wada dhanyahay sanadka 2016, (sidoo kalena) la xoojiyo arimaha amniga, lana dardar geliyo sidii natiijo waxtar leh oo la taaban karo lagu gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaan garwaaqsannahay muhiimadda ay leeyihiin qodabada ku jira Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232 (2015) kana hadlaya muhimada ay leedahay inaan la kordhin waqtiga uu dastuurku siinaayo hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta.

Waxaan ogsoonnahay in sanadka 2016 aysan suurto galaynin qabsoomidda hab doorasho oo caalami ah kuna dhisan “qof iyo codkiisa”, laakiin arintaan (doorashada qof iyo codkiisa ah) waa in la gaaraa wareegga kale (xilliga doorasho ee kan xigta).

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!