Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshale) ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho

by Yahye | Tuesday, Jul 31, 2012 | 475 views

Muqdisho: HN: Allaha u naxariistee Waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu dilay Cabdi Jeylaani Malaaq oo ku magac dheeraa (Marshaale) kana tirsanaa Majaajiliisteyaasha caanka ah ee Hobollada  Waaberi,  Marxuumka ayaa dhaawaciisa loola cararay Isbitaalka Madiina kadib markii ay kooxo ku hubeysan Bastoolado ay ku weerareen hooygii uu ka deganaa Degmada Waaberi ee Gobolkani Banaadir, kadibna u geeriyooday.

Kooxaha dilka u geystay ALLAHA u naxariiste Cabdi Jeylaani Malaaq ayaa waxa ay tiradoodu gaareysay sedax kuwaas oo ku dilay hooygiisa uu ka daganaa dagmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waxaana kooxaha dilka u geystay Marshaale ay ku hubeysnaa Baastoolada iyagoona Madaxa iyo Gacmaha xabad kala dhacay.

Cabdi Jeylaani Malaaq ayaa ka mid ahaa hobollada Qaranka ee Waaberi waxa uuna ka mid ahaa qof magaca ku leh bulshada Soomaaliyeed dhaxdeeda isagoona soo saaray Riwaayado badan.

Bulshada Somaliyeed ayaa aad uga naxday dilka loo geeystay Marshaale.-

Like it? Share it!