Cabdi Jiinoow” guddoomiyaha gobolka Hiiraan go’aan kama gaari karo halka la dhigayo gogosha

by admin | Tuesday, Aug 4, 2015

Jowhar : HN :– Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa dhawaan sheegay in magaalada Beledweyne uu ka furmayo shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeelllaha dhexe, hasse ahaatee waxaa arrintaa ku gacan seyray guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha dhexe Eng Cabdi Jiinoow Calasoow.

“Dadka ka soo jeeda Gobollada ayaa la rabaa in lagala tashto aayaha Maamulka, ee ma ahan in dad gooni ah lagala tashado qaabka Cabdi-Jiinow-280x175maamulka lagu dhisayo iyo meesha gogosha lagu dhigayo, aad ayaa uga xumaha in Guddoomiyaha uu yiraahdo, isagoo tixraac ka dhiganaya Madaxweynaha Jamhuuriyada waxaa la go’aamiyay shirka in lagu qabto Beledweyn”ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Sidoo kale Cabdi Jiinow ayaa sheegay in Madaxweynaha oo kaliya aanu la laheyn go’aanka halka lagu dhigayo gogosha, balse ay u baahan tahay dadka wada dega labada gobol inay isku racaan halka shirka u dooranayaan in lagu qabto.

“Goobta lagu qabanayo shirka Guddoomiye C/fataax iyo Cali Guudlaawe, iyo cid kale iyaga ma go’aamin karaan ee dadka ayaa go’aan ka gaaraya, dowladda iyo cid kasta waxaa uga digayaa in shirkaas la fara geliyo, waxayna keeni kartaa fashil”ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe la doonaya in maamul loogu sameeyo labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, oo la oran karo waa labada gobol ee kaliya ee hadda ka harsan dhismaha nidaamka federaalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!