Cabdi Maxamuud Ilkacase oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho

by Yahye | Sunday, Nov 23, 2014

Muqdisho: HN:- Allaha unaxariistee waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay Cabdi Maxamuud Ilkacase oo galabtii Jimcaha ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Aaska Marxuumka, ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mustaf Shekh Cali Dhuxuloow iyo Fanaaniin, Abwaano, iyadoo marxuumka lagu aasay Qabuuraha Isbitaal Madiino.
Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo kamid ahaa Abwaanadii ka qaybgalay aaska Marxuumka ayaa madasha ka sheegay inay muhiim tahay in marwaliba la xusuusnaado caruurtii uu ka tagay marxuumka oo aan la ilaawin noloshooda.
Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen caruurtii uu ka geeriyooday marxuum Ilka case.
Marxuum Cabdi Maxamuud Ilkacase ayaa geeriyooday galabtii Jimcaha dhamaadka todobaadkii lasoo dhaafay, waxaana la ogeyn sababta keentay in ilaa waqtigaasi meydkiisa la haayo oo aan la duugin, hayeeshe maanta la duugay.
Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!