Cabdi Qeybdiid” Dad Xamar laga keenay ayaa la rabaa in oday dhaqameed nalooga dhigo

by admin | Thursday, Apr 30, 2015

Cadaado : HN :– Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka gobollada dhexe Soomaaliya ee hadda dhismihiisa loo fadhiyo magaalada Cadaado, ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowladda dhexe oo uu sidda uu sheegay fara-galin toos ah ku heysa shirka.

Isaga oo la hadllayay laabta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay Qeybdiid in ergada laga sugayo in ay maamul soo dhisaan yihiin dhamaantood sidda uu hadalka u dhigay dad Muqdisho laga keenay oo diyaarado lagu soo qaaday.

”Dad Xamar laga keenay oo aan dhaqan aheyn ayaa lagu badallay booskii oday dhaqameedyada, waana wax laga xumaado inqeybdiid1-310x197 wasaaradda arrimaha gudaha ay siiyeen aqoonsi ah nabadoonka reer hebel”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid oo la hadlayay idaacadda BBC-da.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in sababaha loo kala diray guddigii farsamada ay tahay in guddigu ay shirka marin habaabin ku wadaan, taasna ay keentay in ay ka caroodaan saxiixayaasha iyo odayaasha dhaqanka.

Qeybdiid oo ka mid ahaa dadkii saxiixay qariirada maamulkan lugu dhisayo,waxuu si gaar ah u dhaleeceyay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya oo u sheegay inay shirka ku heyso caqabad, isla markaana ay aheyd in oday dhaqameedyada saxda ah loo daayo inay shirka maamulaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa dhankeeda beenisay wax gacan ah inay ugu jirto shirka ka socda Cadaado,kaddib war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda.

Shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe ayaa noqday mid waqti baan dib u dhacayay,waxaana hadda muuqata in mar kale uu galayo marxalad adag oo ku salaysa habka lugu dhisayo.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!