Cabdi-Qeybdiid” dagaallada Guri-ceel siyaasiyiin ayaa ka danbeysa

by admin | Wednesday, Feb 25, 2015

Gaalkacyo : HN :–Madaxweynaha maamul gobolledka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka hadlay dagaalka soo noq noqday ee ka dhacaya Guriceel waxuu ku sheegay inuu yahay mid ay dani ugu jirto gacmo shisheeye iyo siyaasiyin.

Waxaa uu sheegay in  siyaasadeed ka danbeeyaa dagaallada ka dhacaya Guri-ceel ee u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlasunna.

“Aniga waxaa u arkayaa dagaalka Guri-qeybdiid1-310x197ceel in arrimo siyaasadeed ka dambeeyaan, dadka dagaalamaya waa dad wada dhashay oo isku deegaan ah, marka cid kale baa shideysa oo dabada ka riixeysa, waana siyaasiyiin”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Madxaweynaha Galmudug ayaa ku sheegay dagaallada inay cidi dan ugu jirta,isagoo ula jeeda siyaasiyin raba deegaanka inuu noqday goobo dagaal.

“Waa wax muuqda cida dabada ka riixeysa, waa kuwo faa’ido u arka dagaalka, aniga afka kuma ballaarinayo cida ay yihiin”ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynaha Galmudug.

Sidoo kale,waxuu ku baaqay isagoo la hadlaya hay’adaha samafalka in loo gurmado dadkii ka barakacay dagaalka Guriceel, isla markaana gar gaar loo fidiyo dadka ku dhibaateysan daafaha magaalada.

Waxgaradka, culumaa’udiinka iyo odayaasha dhaqanka ayuu usoo jeediyay inay ku baxaan colaadaas oo ay kala dhex dhigaan labada dhinac xabad joojin shuruud la’aan ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!