Cabdi Qeybdiid eedeyn ballaaran u jeediyay madaxweynaha Puntland

by admin | Friday, Jul 10, 2015

Gaalkacyo : HN :– Iyadoo aad moodo in wali uu taagan yahay khilaafka ka dhashay dhismaha maamulka Galmudug State, kaddib markii Puntland ay ku tilmaamtay dhismaha maamulkaas mid lagu carqaladeynayo degannnasha iyo nabada ka jirta deegaannada ay ka arrimiso, ayuu sheegay Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid in madaxweynaha Puntland yahay shaqsi doonaya in uu colaad dhax dhigo bulshada wadda dega gobolka Mudug.

Isaga oo hadal ka jeedinayay munaasabad ka dhacday koonfurta Mudug ayuu ugu baaqay Puntland in ay joojiqeybdiid1-310x197yaan eryada shacabka lagu kicinayo iyo abaabulka dagaalka.

“Waxaa rabaa in aan ugu baaqo walaalaheena reer Puntland inay ka gaabsadaan yacni dayaacada iyo shacabka la kicinaya oo dagaalka lagu abaabulayo, hogaanka qaldan ee Cabdiwali Gaas ee dadka lagu kicinayo in dagaal in lagu geliyo la rabo, waxaa rabaa reer Mudug ee aan deriska nahay in aan la dagaal gelin oo aan dhibaato laga dhex abuurin”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Waxaa uu intaa ku darray in shacabka Mudug ay yihiin dad walaalo ah, waxaana uu xusay inuu doonayo inuu ku sagootiyo deris wanaag iyo walaalnimo.

“Caqliga ha taliyo, walaalnimadu ha taliso, deris wanaaga hala dhowro, Cabdiwali waa aragnay miyirka waa ka tagaye, idinka yuusan idinka tagin”ayuu yiri mar kale.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in dhamaan wixii maamulkiisii hore uu hayay uu ku wareejiyay Maamulka cusub ee Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!