Cabdi Qeybdiid oo ku guuleystay kursiga aqalka sare ee dalka

by wadani | Saturday, Oct 15, 2016

Cadaado : HN :-Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa noqday Xildhibaankii labaad ee loo doorta Aqalka sare, iyadoo wali magaalada Cadaado ka socota doorashada Musharaxiinta Aqalka sare ee Maamulka Galmudug.

Cabdi Qeybdiid ayaa ka guuleystay Musharaxa  Maxamed Xuseen Tahliil oo kula tartamayay Kursiga Beesha Sacad ee Aqalka sare.

Abshir Axmed oo loo yaqaano Abshir Bukhaari ayaa noqday xildhibaankii u horeeyay ee loo doorta Aqalka sare, waxaana uu ka guuleystay Labo Musharax oo kal

Doorashada ka socota Cadaado ayaa ah mid aad u xiiso badan oo si aad ah isha loogu haayo, waxaana Maamulka Galmudug uu noqonayaa maamulkii u horeeyay ee soo gudbiya doorashada Xildhibaanada Aqalka sare.

Sidoo kale waxaa ku xiga doorashada kursiga Beesha Murusade oo ay ku tartamayaan Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer iyo Luul Maxamed Sheekh Cusmaan.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!