Cabdi Qeybdiid ” waxaan ahay musharax u taagan xilka madaxweynaha M G/dhexe

by admin | Saturday, Dec 20, 2014

Gaalkacyo : HN :– Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid oo ah madaxweynaha maamulka Galmudug ee ka dhisan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxwaynaha maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya, kaas oo la doonayo in dhowaan la dhiso.

Cabdi Qaybdiid ayaa munaasabad ka dhacday koonfurta magaalada Gaalkacyo wuxuu ku soo bandhigay musharaxinimadiisa, isaga oo doonaya sidda uu hadalka u dhigay in uu wax ka badallo xaalada deegaannada gobollada Galguduud iyo Mudug.

Waxuu ballan qaaday in uu wax badan ka badali doono xaaladda gobolada Mudug iyo Galgaduud hadii loo doorto xilka madaxwaynaha maamulka goboladaas, isla markaasina uu ku soo kordhin doono amni, dhaqaale iyo horumar dhinacwaliba leh.

Hadalka uu jeediyay waxuu ku soo bandhigay waxqabadka maamulkiisa tan iyo markii uu qabtay xilka madaxwaynaha maamulkaQeybdiidiiii Galmudug, waxuuna tilmaamay in intii uu jiray maamulka dib u dhis lagu sameeyay xarumihii dowladda ee koonfurta magalaada Gaalkacyo.

Mudane Qaybdiid waxuu sidoo kale tilmaamay in wax qabadkiisa ay kamid ahayd dhismaha xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug iyo dhismaha xarunta Baarlamaanka maamulkaasi, dhismaha xarun ay odayaasha dhaqanka deegaankada maamulkaasi ay ku shaqeeyaan oo la qalabeeyay iyo arimo kale, oo ay gacan ka gaysatay hay’ada UNICEF.

Ugu dambeyn,madaxwaynaha mamulka Galmudug, Cabdi Qaybdiid, ayaa sidoo kale xusay in maamulkiisu uu ku guulaystay dhismaha garoonka diyaaradaha ee koonfurta Gaalkacyo, garoonka ciyaaraaha ee C/aahi Ciise oo ay dhismihiisa gacan ka gaysteen hay’adaha USAID iyo UNDP, dhismaha xeryihii ciidamada xooga Soomaaliya iyo xarumihii danta guud degmada Hobyo.

Hiiraan Net,

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!