Cabdi Shire Jaamac Cayaar Jecel oo ku guuleystay kursiga aqalka hoose

by wadani | Sunday, Nov 13, 2016

Cadaado : HN :-Waxaa maanta magaalada Cadaado ka dhacday doorashada xubnaha aqalka hoose oo ay kusoo baxeen xildhibaanada ka mid noqonaya aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu doortay xildhibaanada aqalka hoose kamid noqonaya, waxaana xildhibaanada soo baxay ka mid noqday abwaan Cabdi Shire Jaamac “Ciyaar Jecel”.

Ugu danbeyntii, kursiga Labaad ee Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa waxaa ku guuleystay Cabdi Shire Jaamac (Ciyaarjecel) oo ay la tartameyeen Saddex xubnood oo kale, waxaana uu keensaday 29 cod.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!