Cabdifitaax Geeseey” saddex ruux ayaa weerar ku soo qaaday xarunta M K/galbeed waana la dillay

by admin | Thursday, Mar 12, 2015

Baydhabo : HN :–Wasiirka amniga maamulka Koofur Galbeed C/fataax Ibraahim Geesey ayaa ka hadlay weerarkii barqo-nimadii maanta ay Al-Shabaab ku qaadeen madaxtooyada Baydhabo, halkaasoo uu ku sugnaa madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

C/fataax Geesey ayaa sheegay in saddex nin hubeysan oo dharka ciidanka ku labisnaa ay soo weerareen, balse ciidamada ammaankaMy beautiful picture ay ku guuleysteen inay dilaan sida uu yiri.

“Maanta abaarihii 10-kii barqo-nimo nimankii dhagar qabayaasha ahaa ayaa agagaarka Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed soo weeraray, muddo kooban kadib waxaa lagu guuleystay in la dilo saddexda nin”ayuu yiri C/fataax Geesey oo la hadlay Idaacada BBC-da.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen labo askari oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada ka hayay Xarunta Madaxtooyada.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in gaariga uu ku qarxay ciidamo ka tirsan milateriga oo markii ay arkeen agagaarka Madaxtooyada soo waday.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!