Cabdifitaax Xassan Afrax” dhawaan tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa Al-shabaab

by admin | Wednesday, Mar 11, 2015

Beledweyne : HN :– Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo wax laga weydiyay xaalada degmada Buula=burte oo ay wali go’doomin ku hayaan xoogagga Al-shabaab, ayaa sheegay in dhawaan ka maamul ahaan qorsheynayaan in tallaabo adag laga qaado maleeshiyaad ku hareereysay degmada.

Waxaa uu sheegay in ay si dhaw ula socdaan xaalada ay ku sugan yihiin dadka ku dhaqan degmada iyo go’doominta Al-shabaab, hasse ahaatee waxaa uu intaa ku darray in ay diyaariyeen ciidammadii ka howlgali lahaa soo afjarista maleeshiyaadka sidda uu hadalka u dhigay jidgooyada dhigtay jidadka galla degmada.

”Ciidammmo isugu jira kuwa maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan iyo AMISOM ayaa u diyaarsan in ay dhawaan u dhaqaaqaanshir3 wadada isku xirta degmada Buula-burte iyo Beledweyne, waxaana ay ciidammada ka howlgali doonaan dhamaanba deegaannada hoostaga degmada, si meesha looga saaro maleeshiyaadka dadka nolasha u diiday ayuu yiri” guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Hadalka guddoomiyaha ayaa imananaya xili cabasho xoogan ka soo yeertay maamulka degmada Buula=burte oo sheegay in ay jiraan qoysas baahi darteed u jiifa, kaddib markii ay waayeen wax ay quutaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!