Cabdifitaax Xassan Afrax” dowladda waa in ay ka fogaataa cadawad laga dhax-abuuro bulshada

by admin | Saturday, Oct 31, 2015

Beledweyne : HN :– Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo warbahinta kula hadllayay magaalada Beledweyne, ayaa iska fogeeyay in wax wada -tashi ah lagala sameeyay magacaabista guddiga farsamada lagu dhawaaqay habeennimadii xalay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu warbaahinta uun ka maqlay in la magacaabay 14 xubnood oo la sheegay in ay noqonayaan gudiga farsamada, laakiin isaga aan waxba laga soo weydiin magacaabistooda.

IMG_02063”Waxaa u arkaan magacaabista soo baxday mid la doonayo in bulshada leysaga horkeeno, ma aqaan meesha uu wasiirka arrimaha gudaha ka keenay magacaabista noocan oo kale ah, mas’uuliyiinta dowladda waxaa leeyahay waa in aan ka fogaataan in bulshada leyska horkeeno” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka.

Wuxuu sheegay in shaqsi ahaan uu marar badan ku dadaalay in bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan ku qanciyo in la qaato go’aamada dowladda, hasse ahaatee waxaa uu intaa ku darray in wixii hadda ka danbeeya go’aanka ugu danbeeya arrinta yeellanayaan shacabka.

Hadalka guddoomiyaha ayaa imanaya xili maanta uu dibadbax ballaaran ka dhacay magaalada Beledweyne, kaa looga soo horjeeday magacaabista guddiga farsamada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!